Ururka SOMA Oo Dedafeeyey Guddi La Sheegay inay Metelayaan Saxaafadda Dalka Oo Kulamo La Yeeshay Madaxtooyada Somaliland Iyo Dareenada Ku Xeeran.
“Ururka SOMA, waxa uu caddeynayaa in aanu qayb ka ahayn kulammada Madaxtooyadda Somaliland iyo Guddida la sheegay inay Saxaafadda ku metelayaan” Ururka SOMA.
Hargeysa(#):Ururka Warbaahinta Online-ka ah ee Somaliland Online Media Association (SOMA), ayaa shaaca ka qaaday inuu dedafeeyey Guddi la sheegay inay metelayaan Saxaafadda dalka oo kulamo iyo xidhiidho qorsheysan la yeeshay madaxtooyada Somaliland.
Ururka SOMA oo ay ku midoobeen warbaahinta casriga ah ee Internet-ka, ee kala ah Websites, YouTubes, Facebook/Twitter Pages waxa uu sheegay inaanay jirin guddi ku metalaysa kulamadaas oo ay ogyihiin maadaama aan laga talo-galin mihnadleyaasha saxaafadda ee ku midoobay Ururka SOMA.
War-saxaafadeed uu u saxeexan yahay guddoomiyaha Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland ee Somaliland Online Media Association (SOMA) Mustafe Abdi Mohamed (Mustafe- Janaale) oo uu Caawa soo saaray, ayaa lagu sheegay inaanu jirin wax xidhiidh ah ama kulamo laga talo-galiyey oo dhexmaray madaxtooyada waxaanu war-saxaafadeedku isaga oo dhameystiran uu u dhignaa sidan:
“Ururka Warbahinta ONLINE-ka Somaliland ee Somaliland Online Media Association (SOMA) qayb kama aha Guddiga sheegtay inay Saxaafadda Somaliland Metelayaan
Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland ee Somaliland Online Media Association (SOMA), waxa uu caddeynayaa in aanu qayb ka ahayn kulammada Madaxtooyadda Somaliland iyo Guddida la sheegay inay Saxaafadda ku metelayaan kulammadaas.
Sidaa awgeed, mar labaad waxaan ku wargelinaynaa Madaxtooyadda Somaliland iyo Guud ahaan Xukuumadda-ba in ururka Online-ka ee SOMA oo ay ku bahoobeen Websites, YouTube, Facebook/Twitter Pages, qayb ka ahayn kulanka iyo kuwii hore ee Madaxtooyadu qabatay. Guddi aan lagu midaysnayn oo aan kalsooni Warbaahinta guud ahaan ka haysanin ma sheegan karaan, loomana tix-gelin karo inay yihiin Guddi wada metelaysa Saxaafadda Somaliland ka hawlgasha.”
Ujeedada ururka Online-ka Somaliland ee Somaliland Online Media Association (SOMA), waa horumarinta mabaadi’da warbaahinta xorta ah, madaxbannaanida iyo xirfadda ee Somaliland oo u heellan horumarinta nabadda, midnimada, iyo qiyamka dimuqraadiga ah. SOMA waxa ay go’aansatey in ay horumariso oo ay xoojiso awooda saxafiyiinta Online ka ah oo ah adeeg bixiyayaasha bulshada Somaliland, si ay uga qayb qaataan nabad ku wada noolaanshaha. SOMA waxay si firfircoon uga qayb qaadatay horumarinta tayada iyo qiimaha warbaahinta online-ka ah ee Somaliland.
#Cawo-dhalad_Media
#Hayaannews, Office
#Hargeisa, Somaliland