Burburka gantaal hawada sare oo laga baqayo inuu Kenya kusoo dhaco
Khubarrada hawada ayaa dalalka Kenya iyo Tanzania uga digay suurto-galnimada iyo in burburka gantaal hawada sare uu kusoo dhaco meelaha qaar.
Hay’adda arrimaha hawada ee Kenya ee magaceeda loo soo gaabiyo KSA ayaa xaqiijisay arrintan waxayna dadweynaha dalka la wadaagtay digniin ku aaddan iyo walxo ka haray gantaalka ay soo dhici karaan.
Inkasta oo KSA aysan xaqiijin waxa dhabta ah ee sheygaasi uu yahay, halka laga baqayo inuu kusoo dhaco iyo wixii la mid ah, haddana digniin ayay soo saartay waxayna uga digtay dadka inay booliiska ogeysiiyaan haddii ay arkaan wax weyn oo bir ka sameysan oo cirka kasoo dgacay isla markaana ay digtoonaadaan.
Dhanka Tanzania ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay, balse sida ku xusan warka KSA oo shalay soo baxay, haraaga gantaalka oo aan culeyskiisa la ofeyn ayaa la filayaa in sidoo kale uu mari doono hawada Bariga Afrika oo ay ku jiraan dhowr meel oo Kenya ka tirsan.