Trump oo ka qalleeyay telefoonnada iyo kumbiyuutarrada

Maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa canshuuraha dheeraadka ah ka daayay telefoonnada casriga ah, kumbiyuutarrada iyo qalab kale oo elektaronik ah, waxaana ka mid ah canshuuraha 125% ah ee lagu soo rogay alaabaha ka yimaada Shiinaha.

Ogeysiis uu soo saaray guddiga Mareykanka arrimahan u qaabilsan ayaa lagu sheegay in badeecooyinka laga daayay canshuuraha 10% ah ee Trump uu kusoo rogay inta badan dalalka kale iyo gaar ahaanna canshuuraha alaabaha ee lagu soo rogay Shiinaha.

Khubarrada dhaqaalaha ayaa sheegay in tani ay war weyn u tahay shirkadaha teknolojiyadda.

Trump ayaa shalay mar uu u safrayay Miami wuxuu sheegay inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixin doono canshuur dhaafiddan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker