Sacuudi Carabiya oo daldashay nin u dhashay waddanka Urdun

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa daldashay nin u dhashay waddanka Urdun oo ay sheegtay inay ku heshay inuu dalkaas si qarsoodi ah ku soo gelin jiray mukhaadaraad, walow walaac laga muujiyay in qirashada ninkaas ay kutimid jirdil loo gaystay.

Xuseen Abul-khayr ayaa xabsiga loo taxaabay 2014 mar uu ka soo gudbay xadka Sucuudiga uu la leeyahay waddanka Urdun.

Qoyska ninkaas la daldalay ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta Sucuudigu ay wiilkooda kor u xireen oo ay garaaceen illaa markii dambe uu ka qirtay falka lagu soo eedeeyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker