Mareykanka iyo Ruushka oo ku kulmi doona Turkiga

Wakiillo ka kala socda Maraykanka iyo Ruushka ayaa ku kulmi doona Istanbul maalinta Khamiista ah. Waa tallaabo qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in la caadiyeeyo hawlaha safaaradaha labada dal, sida ay sheegtay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

Wada xaajoodkan, oo lagu qaban doono qunsuliyadda Ruushka ee caasimadda Turkiga ayaan lagu soo qaadi doonin arrimaha siyaasadeed iyo kuwo amni, sida uu Maraykanku sheegay.

“Ajendaha kuma jirto Ukraine gebi ahaanba,” ayuu yidhi afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda, Tammy Bruce.

Dhinaca Ruushka waxa wadahadalkan hoggaamin doona safiirkooda cusub ee Maraykanka, Alexander Darchiev, halka waftiga Maraykanka ay hor kacayso ku-xigeenka xoghaya guud ee Arrimaha Dibadda, Sonata Coulter, sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, Washington iyo Moscow, mid walba waxa ay eriday dhowr diblomaasi iyaga oo xaddiday magacaabista danjirayaal cusub. Xidhiidhka diblomaasiyadeed ayaa gebi ahaanba burburay kaddib markii Ruushku uu duullaan xoog badan ku qaaday Ukraine sannadkii 2022.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker