Baanka Dhexe ee JSL iyo Hay’adda Africa Nenda oo kala saxeexdeen heshiis Is-Afgarad
Baanka Dhexe ee JSL iyo Hay’adda Africa Nenda, waxa ay si rasmi ah ugu kala saxeexdeen Magaalada Nayroobi heshiis Is-Afgarad (MoU), kaas oo ujeeddadiisu tahay kor-u-qaadista helitaanka adeegyada maaliyadeed iyo kobcinta adeegyada lacag bixinta oo u adeegaya dhammaan qaybaha bulshada.
Heshiiska Is-Afgarad waxa saxeexay Guddoomiyaha Baanka Dhexe Mudane Cabdinaasir Axmed Xirsi iyo Madaxa Guud ee Hay’adda AfricaNenda Mudane Dr. Robet Ochala.
Kulanka saxeexa heshiiskan waxa goobjoog ka haa Safiirka Somaliland ee dalka Kenya Ambassador Mohamed Ahmed Mohamoud.
Heshiiskan Is-Afgarad (MOU) ee u dhexeeya Baanka Somaliland iyo AfricaNenda waxay calaamad u tahay tallaabo muhiim ah iyo iskaashi istaraatiijiyadeed oo loo qaaday dhanka horumarinta nidaamka maaliyadeed ee Somaliland.
Iskaashigaani waxa uu horseedayaa:
1. Qorsheynta iyo Qaabaynta Nidaamka Lacag Bixinta Qaranka (National Payment System Policy & Strategy).
2. Xoojinta iyo Korjoogtaynta adeegyada lacag bixinta iyo guud ahaan tiirka maaliyadda ee Dalka. (Fintech Regulation & Financial Sector Oversight)
3. Ballaadhinta helitaanka adeegyada Maaliyadeed si ay u gaadhaan dadka aan marin u helin (Financial Inclusion for the Unbanked).
4. Taageerada Farsamada & Kobcinta Awoodda Shaqo ee Baanka Somaliland (Technical Support & Capacity Building on Digital Payments).
Ugu danbeyntii, heshiiskani waxa uu muujinayaa sida ay Baanka Somaliland iyo AfricaNenda uga go’an tahay horumarinta nidaamka maaliyadeed ee Somaliland iyo guud ahaan Africa.
Tallaabadani waxa ay suurtogelin doontaa helista nidaam hufan oo lacag bixinta qaranka ah, kor-u-qaadista xasilloonida maaliyadeed ee dalka iyo ballaadhinta helidda adeegyada maaliyadeed ee dhammaan shacabka Somaliland.