Related Articles

“Khasaaraha ka dhasha Safarka ismaqiiqa ah ee Xamse ku yimi dhul ka mida Somaliland waxa qaadaysa…”Madaxweyne Cirro
April 13, 2025

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐇𝐚𝐲𝐲’𝐚𝐝 𝐤𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐲𝐧 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐰𝐨𝐨𝐝-𝐬𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐚𝐰𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Hargeysa: 13.04. 2025( )- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa si rasmi ah u daah-furay hayy’ad ka shaqayn doonta maalgashiga iyo awood siinta haweenka oo lagu magacaaboda WE INVEST. Munaasibadda daah-furka oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax ka socotay baananka kala duwan ee dalka ka hawlgasha, hay’ado kala duwan, haween iyo marti-sharaf kale, ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay in awood la saaryo, lana xoojiyo maalgelinta haweenka iyo kaalinta ay taasi ka qaadanayso koboco dhaqaalaha guud ee dalka. Xubno kamid ah golaha wasiirrada, haween xilal kala duwan soo qabtay, aqoonyahan, siyaasiyiin iyo ganacsato halkaas ka hadashay, ayaa soo dhaweeyey shaqada hay’addani qaban doonto iyo baahida loo qabo kobcinta haynta haweenka iyo quweynta ganacsiga iyo horumarkiisa. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo hadalka soo afmeeray, ayaa shaaciyey in Xukuumadda Waddajir &Waxqabad ay dhawaan daah furi doonto Sanduuqa horumarinta haweenka kaas oo kamid ahaa ballanqaadkii xisbiga Waddani ee xilligii ololaha, xukuumad ahaanna ay muhiimad gaar ah siinayaan kobcinta dhaqaalaha haweenka iyo maalgelintoodaba. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝
April 13, 2025