Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka xukunka dilka ugu badan fuliyay 2024

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in tirada dadka lagu riday xukunnada dilka ah ee sannadka 2024 ay si weyn kor ugu kacday.

Sida ku cad warbixin cusub oo ay hay’addu ka soo saartay 2024, waxa dil lagu fuliyay 1,518 qof, taasi oo ka dhigan in tiradu ay kor u kacday 32 boqolkiiba marka loo eego sannadkii kaasi ka horreeyay.

Tirakoobka Hay’adda Amnesty ayaa muujinaya in tirada dadka la toogtay sannadkii hore ay ahayd tii ugu badnayd tan iyo 2015, inkasta oo ay yaraadeen waddamada weli fulinaya xukunka dilka.

Waddanka loo arko in u yahya kan ugu badan ee fuliya dilka ugu badan caalamka waa dalka Shiinaha. Hase ahaatee, la ma hayo tirakoob rasmi ah oo sax ah oo ku saabsan dadka uu Shiinuhu dilay.

Sacuudi Carabiya ayaa kaalinta labaad ka galay isaga oo 345 dil, halka Ciraaq ay ku xigto iyadoo fulisay 63 xukun oo dil ah.

Amnesty waxay sheegtay in Iraan iyo Soomaaliya ay xukun dil ah ku fuliyeen afar qof oo dhallinyaro ah oo ka yar da’da 18 sano jirka.

Iraan iyo Afghanistan waa dalalka fuliyay dilalka fagaareyaasha lagu sameeyo ee dhacay sannadka 2024.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker