Dawladda Iiraan oo beenisay in Mareykanku soo ridey diyaarad Ay leedahay
Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in aanay waayin mid kamid ah diyaaradeheeda dhulka laga hago, iyadoo beenisay warka kasoo baxay Mareykanka ooย sheegaya in mid kamid ah maraakiibtooda dagaalka uu marinka Hurmuz ku burburiyay diyaarad aan duuliye wadin oo Iiraan ay leedahay.
Ku xigeenka wasiirka Arrimaha Dibedda Iiraan Cabbaas Araghshi ayaa bartiisa Twitterka ku sheegay in aan lasoo ridin diyaarad ay Iiraan leedahay, isagoo intaa ku daray in uu ka walwalsan yahay in Mareykanku soo Riday diyaarad uu ku qalday kuwa Iiraan Leedahay .
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khamistii sheegay in Doon dagaal oo uu Mareykanku leeyahay ay soo ridday diyaarad aan duuliye laheyn oo ay Iiraan leedahay taasoo uu xusay in ay halis ku heysay doonta iyo shaqaalaha saaran.
Trump ayaa wariyayaasha Aqalka cad u sheegay in diyaaraddu ay masaafo 900 oo mitir ah usoo jirsatay U.S.S Boxer iyadoo iska indho-tirtay digniino Loo diray oo loogu sheegay in ay dib u laabato.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Iiraan Maxamed Jawaad Sariif oo New York ku sugan ayaa khamiistii isaguna sheegay in aanu ka warheynin diyaarad uu dalkiisu leeyahay oo la la’yahay.