Dawladda Imaaraadka Carabta oo door weyn ka qaadanayso qorshaha uu Mareykanku ku doonayo inuu ku aqoonsado Somaliland.
Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in ay door weyn ka qaadanayso qorshaha uu Mareykanku ku doonayo inuu ku aqoonsado Somaliland.
Waxa sii kordhaya danaynta Mareykanka iyo xulufadiisu u arkaan in ay muhiim tahay Aqoonsiga Somaliland, marka la qiimeeyo xaaladdo ka alloosan bariga dhexe, Geeska Afrika iyo Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Wakaallada Wararka ee Watan, ayaa werisay in Saldhigga Militeri ee Berbera uu yahay xudunta danaynta Mareykanka ee Somaliland, maadaama Somaliland tahay dal si cad u raadinaya aqoonsi ay noqon karto mid ka faa’idaysata xiisadaha Juquraafi- istiraatijiyaddeed ee dhex mara awoodaha waaweyn Adduunka.