Dhegayso: Dawlada Masar oo Xaqiijisay inuu Geeriyooday Madaxwaynihii hore ee Dalkaasi Maxamed Xusni Mubaarak

Madaxweynihii hore ee Dalka  Masar  Maxamed  Xusni Mubarak ayaa Geeriyooday isaga oo Da,diisu Tahay  91 jir, waxaa sidaas sheegay Taleefishinka dowladda Maanta oo Talaado ah.

 

Wiilkiisii Mubarak Alaa Mubarak ayaa Qoraal uu soo dhigay twitter ku yidhi “Subaxdan, Aabahay, madaxweyne Mubarak wuu geeriyooday”.

 

Mubarak ayaa muddo la Xarbinayey xanuun Haleelay  waxaana dhowaan Loo gudbiyey qeybta daryeelka dadka Xaaladdoodu liidato ee isbitalka.

Mubarak ayaa   Masar Xukumayey muddo 30 sano ah ka hor inta  aan Xukunka looga tuurin dibad-baxyo waa weyn  oo dalka ka dhacay Sanaddii 2011.

 

Waxaanuu Xabsiga ku jiray Muddo Sanado ah,  kadib kacdoonkii lgu riday, Hase yeeshee waxaa lasii daayey sanaddii 2017 kadib markii la sheegay in Lagu Waayey inta badan dacwadihii lagu soo oogay.

 

WARKAAS OO FAAHFAAHSAN KA DHAGAYSO HALKAN HOOSE

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker