𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐞𝐫𝐛𝐞𝐫𝐚 𝐀𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐬𝐚𝐡𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚.
.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa si rasmi ah uga dhax-dhigay Magaalada Berbera Aagga Warshadda,halkaas oo noqon doonta xarun u gaar ah warshadaha iyo wax soo saarka.
Xaflda ballaadhan oo ka qabsoontay Aagga loogu tallo-gelay warshadaha ayuu Madaxweynuhu ka dhagax-dhigay mashruucan oo laf-dhabar u ah horumarka dalka,isla markaana saamayn weyn ku yeelan doona nolosha bulshada reer Berbera.
Ugu horreyn waxa halkaas hadal kooban ka jeediyey Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Warshadaha Siciid Maxamed Buraale,kaas oo ka warramay horumarka iyo mihiimada ay Qaranka u leeyihiin Aagga Warshadaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaa cid kasta oo maalgashanaysa dalka JSL,waxaanu xusay in dhawaan alaabtii debada laga keeni jiray ay Warshaduhu halkan ku samayn doonnaan.
Gunaanadkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa si rasmi ah uga dhagax-dhigay Magaalada Berbera Aaga Warshadaha.