Madaxda maamul gobolleedyada Soomaaliya oo shir ku yaalanaya magaalada Kismaayo.

Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta ku –meel-gaadhka u ah Jubbaland ay tagaan qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleed-yada  oo halkaa shir uga furmayo.

Madaxweynayaasha, Puntland, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa la filayaa in ay gaadhaan saacadaha nagu soo foolka leh magaalada Kismaayo iyaga oo ka qeybgalaya shir uu ku marti-qaaday madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]

Waa kulankii labaad oo Kismaayo ay ku yeeshaan madaxda dowlad gobolleedyada oo saddex jeer kulmay, waxaana shirkan intiisa badan diirada lagu saari doonaa khilaafka maamulada qaar kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, iyadoo la ogyahay in sanadkan 2019 ka dhici doonaan doorashooyin madaxweyne ilaa saddex maamul gobolleed sida Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland, waxaana jira tuhun madaxweynayaasha maamuladan ay ka qabaan dowladda oo laga yaabo in ay fara-galiso doorashooyinkaa.

Sidoo kale madaaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa wajahaya cadaadis uga imanaya dhinaca xildhibaannada maamulkiisa oo diyaarinaya mooshin isaga ka dhan ah oo la doonayo in xilka looga tuuro.

Jubbaland iyo dowladda dhexe federaalka ayaa waayadii ugu danbeeyay waxaa ka dhax jira khilaaf sii xoogeystay, kaas oo ka dhashay magacaabis is daba joog ah oo dowladda federaalku ku soo saartay taliyayaal ciidan, laakiin Jubbaland dhinaceeda ka biyo diiday.

Shirka ayaa la filayaa ugu danbeyntii in madaxda ku mideysan golaha isbaheysiga dowlad gobolleed-yada ka soo saaraan war-murtiyeed isha lagu hayo qodobada diirada lagu saari doono.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker