𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐠𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐠𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐡𝐞𝐞𝐤𝐡 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐮𝐠𝐮 𝐡𝐨𝐫𝐫𝐞𝐲𝐬𝐚𝐲 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐝𝐚𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐲𝐚𝐚𝐥 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐤𝐨𝐫𝐝𝐡𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐝𝐮𝐠𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐨𝐨 𝐮𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta tababar uga furrey dugsiga tababarka Ciidanka Qaranka ee Cabdillaahi feedheeyey ee Degmadda Sheekh Dufacadii ugu horreysay ee ciidamadii maddaniga ahaa.
Munaasabad furritaanka tababarka dufcadii ugu horraysay ee ciidanka maddaniga ah ayaa waxa ugu horreyn hadlay Wasiirka Wasaaradda gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL,kuwaas oo halkaas uga ka jeediyey haddalo boggaadin iyo dhiirigelin ah.
Madaxweynaha JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa amaanay ciidamada ,waxaanu sheegay inay kamid yihiin Ciidanka Qaranka JSL,waxaanu halkaas ku guddoonsiiyey xaqal ciid iyo sooryo Madaxweyne
Madaxweynaha JSL ayaa dhiiriglin u sameeyey ciidamadan,waxaanu sheegay inay ku faanayaa inay kamid yihiin maanta Ciidanka Qaranka JSL,isagoo xusay in awoodaynta iyo casriyeynta ay la bilaabayaan Ciidanka Qaranka.
Ugu Dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa dhagax-dhigay dhisamayaal cusub oo lagu soo kordhin doonno dugsiga tababarka Ciidanka Qaranka ee Degmadda Sheekh.