Niger: Dad Rayid ah oo Masaajid lagu dhex Dilay
Ugu yaraan 44 qof ayaa ku dhintay 13 kalana waa ay ku dhaawacmeen weerar ka dhan ah dad rayid ah oo ka dhacay koonfur-galbeed dalka Niger, wasiirka arrimaha gudaha dalkaas Mohamed Toumba ayaa sidaas ka sheegay telefishinka qaranka.
Weerarka oo ka dhacay tuulada Fonbita ee ku taal miyiga magaalada Kokorou kadib arkii markii rag hubeysan oo loo aqoonsaday inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish (Dowladda Islaamiga ah ee Saxaraha Weyn ISGS) ay beegsadeen dad ku cibaadaysanaya masaajid xili lagu guddo jiro 10 kii dambe ee Bisha Ramadaan.
Wasiir Toumba ayaa sheegay in weerarka ay ku dhinteen afar ka mid ah 13-ka qof ee dhaawaca ah oo xaaladoodu ay aad u liidato. Wasaaraddu waxay cambaaraysay weerarkaas oo ay ku tilmaantay “fal fulaynimo iyo bini’aadantinimo ka baxsan” waxayna wacad ku martay inay sii xoojinayso dadaallada lagula dagaalamayo argagixisada gobolka.
Dowladda Niger ayaa ku dhawaaqday 72 saacadood oo baroor diiq qaran ah laga bilaabo sabtida si loo maamuuso dadka ku waxyeeloobay weerarkaasi.
Gobolka Koonfur-galbeed ee Niger, gaar ahaan deegaannada ku dhow xuduudda ay wadaagaan Mali iyo Burkina Faso, ayaa waxaa sannadihii u dambeeyay ka dhacayay rabshado, iyadoo kooxaha hubeysan ay ka faa’ideysanayaan xasillooni-darrada si ay weeraro khasaare badan ugu geystaan tuulooyinka iyo ciidamada ammaanka.
Ma jirto cid sheegatay masโuuliyadda weerarka, inkastoo hadalka wasaaradda arrimaha gudaha ay ku sheegtay in falkas ay ka dambeeyeen kooxda Daacish(ISGS) , maadaama kooxda la og yahay inay ku sugan tahay gobolka. Maamulka ayaa balan qaaday in baadhitaan dhab ah laga sameyn doono, jawaab adagna laga bixin doono, si sharciga loo horkeeno dambiilayaasha.
Dilalkii ugu dambeeyay ayaa waxyeelo baaxad lehi kasoo gaadhay dadka rayidka ah ee Niger, iyada oo bulshooyinka deegaandan colaaduhu saameeyeen u nugul yihiin khatarta joogtada ah ee rabshadaha kooxaha xagjirka ah.