GUDOOMIYAHA DEGMADA XAAJI SAALAX OO HAMBALYO U DIRAY ARDAYDII NATIJADA FIICAN KA KEENTAY GOBOLKA DAADMADHEEDH

Waxa aan halkan uga dirayaa hambalyo iyo bogaadin ardayda sannadkan imtixaanka u gashay gobolka daadmadheedh, gaar ahaan ardayda degmada Xaaji Saalax oo safka hore kaga jirta ardayda dhibcaha sare ka soo hooyey imtixaanka shahaadiga ee Qranka Jamhuuriyada Soomaliland ee fasalada 8aad ee dugsiga hoose/dhexe iyo fasalka 4aad ee dugsiga Sare .
Fasalka 4aad ee dugsiga sare waxa imtixaanka u fadhiistay degmada Xaaji Saalax 13arday oo imtixaanka gobolka Daadmadheedh ka galay kaalmaha hore , halka aradayda fasalka 8aad ay dhamaayeen tirada u fadhiisatay imtixaanka 35 arday oo 7 ka mid ahi ay kaalmo ugaleen gobolka Daadmadheedh, waxa ay degmada Xaaji saalax safka hore kaga jirtaa hogaaminta dhibcaha imtixaanka shahaadiga ah ee gobolka Daadmadheedh. Waxa aan halkan uga mahad celinayaa macalimiintii ardayda wax soo bartay ee ku bixiyey judiga iyo dadaalka joogtada ah. Waxa kale oo aan u mahad naqayaa waalidiintii ku soo tabacday ardayda iyo quba joogta degmada oo iyana kaalin mugleh ka qaatay in ay ardaydaasi waxbartaa.
Ugu danbayntii waxa aan u mahad naqayaa madaxweynaha iyo wasiirka waxbarashada iyo gudoomiyaha madaxa xafiiska imtixaanaadka qaranka Jamhuuriyada Soomaaliland mudane : Daauud Axmed Faarax sida fiican ee ay imtixaanka u maamuleen ee ay caaladu ku dhisnayd ee ay uga qayb qaateen imtixaanaadka qaranka .
Wabilaahi Towfiiq
Cali Muuse Faarax Gudoomiyaha degmada Xaaji Saalax

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker