Dowladda Fedaraalka oo ka hadashay waxa ka jira in Al-shabaab kusoo dhawaatay magaalada Muqdisho

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cumar Cali Cabdi ayaa si faahfaahsan uga hadlay howlgalada socda iyo duqeymaha ka dhanka ah  kooxda Al-shabaab.

Wasiir Cumar Cali ayaa ugu horeyn ka hadlay waxa ka jira in kooxda Al-shabaab ay culeys soo saartay, kuna soo dhawaatay magaalada Muqdisho, islamarkaana lagu arkay meelo ay ka mid yihiin degmooyinka Afgooye iyo Balcad.

“Waa borobagaan la faafiyay oo cadawga loogu daneynayo ma imaan karaan Muqdisho iyo meel u dhaw Afgooye Xalay waxaa ka dukaameysanaay Taliyaha ciidanka Booliiska iyo Saraakiil kale oo si amaan ah ku dhexmaray wadooyinka, marka barabagaanada cid kasta oo wadaba waan kula xisaabtameynaa” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya Cumar Cali Cabdi.

Wuxuu sidoo kale Wasiiru dowlaha uu beeniyay iney jiraan waxyeelo kasoo gaarta dadka shacabka ah duqeymaha saaxiibada Caalamka ay ka fuliyaan goobaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

“Duqeymaha waa bartrilmaameed, waxaa wada dowladaha aan saaxiibka nahay ee beesha caalamka, anagana waxaan ku hageynaa halka ay joogaan, waxayna u dhacaan sidii loogu talo galay, waxay ka dhaceen Shabeellaha dhexe, Shabeelaha hoose iyo Jubada dhexe, waana sii wadeynaa. Meel kasta oo ay joogaana bartilmaameed ayey noo yihiin, mana jirto shacab waxyeelo kasoo gaaraan duqeymaha ee waxaa jira dad doonaya in culeyska duqeymaha laga yareeyo kooxda oo barabagaando fidinaya, mana laga deyn doono duqeynta” ayuu yiri Wasiir Cumar Cali.

Wasiirka ayaa si gaar ah u xusay in duqeymaha ay ka taageeraan dowladaha Mareykanka, Turkiga, Itoobiya iyo Imaaraatka, wuxuuna tilmaamay in duqeymahii ugu dambeeyay lagu dilay horjoogayaal badan oo ka tirsan kooxda iyo maleeshiyaad.

Ugu dambeyntii Shalay ayay aheyd markii dowladda Fedaraalka ay shaacisay duqeyn habeen hore ka dhacday magaalada Jilib, taasoo dowladda ay sheegtay iney ku dishay 120 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo 20 ka mid ah ahayeen horjoogayaal.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker