Waa khasab in Ethiopia ay qaadato nidaamka xisbiyada badan Abiy Axmed.

Adiss-ababa-(OWN-Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmad, ayaa sheegaya in Itoobiya ay khasab ku tahay in ay qaadato nidaamka xisbiyada badan si loo gaadho nabad waarta iyo horumar.

itoobiya

Abiy Axmad ayaa hadalkan jeediyay mar uu magaalada Addis Ababa kula kulmayay hoggaamiyeyaasha in kabadan 50 xisbi siyaasadeed, xilli isbadal weyn oo siyaasadeed uu ka socdo dalkaasi.

Muddo sanada ah ayaa xisbiga haya talada dalkaasi waxa uu adeegsanayay cabbudhin shacab si uu u siihayo hoggaanka dalka, waxaana markasta dhacayay in guud ahaan kuraasta baarlamaanka uu xisbigaasi ku guuleysto mar kasta oo ay doorasho dalkaasi ka dhacdo.

Cabbudhinta iyo xadhigga kumannaanka qof ee ay dowladda ku dooneysay in ay xukunka ku sii haysato ayaanan u suurtagelin in ay ka hortago muddaharaadyo ka dhan ah dowladda oo soconayay muddo laba sano ah.

Balse tan iyo markii uu xukunka dalkaasi la wareegay ra’iisal-wasaare Abiy, waxaa dalkaasi ka dhacayay isbadallo xoogan oo ay ka mid ahaayeen in oodda laga qaado maxaabiista u xidhnaa arrimaha siyaasadda iyo in uu heshiis nabadeed la galo dalka deriska la ah ee Eritrea.

Xigasho: BBC 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker