Hay’adda USAID oo lagu eedeeyay inay dhaqaale siiso kooxda Daacish
Scott Perry oo ah xildhibaan katirsan xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka ayaa ku eedeeyay hay’adda USAID ee Maraykanka in ay dhaqaale siiso kooxaha argagixisada oo ay ku jiraan Daacish, Alqaacida iyo Boko Haram.
Perry, oo ka soo jeeda gobolka Pennsylvania, ayaa eedeyntan jeediyay intii lagu guda jiray shirkii ugu horreeyay ee guddi-hoosaadka u gudbinta arrimaha waxtarka ee dowladda.
Perry ayaa sheegay in USAID ay ka warbixisay lacag dhan 136 milyan oo doolar oo loogu talagalay in Pakistan laga dhiso 120 dugsi, isaga oo ku andacooday in aanay jirin wax caddaymo ah oo sheegaya in dugsiyaadi ay dhismeen.
Madaxweyne Donald Trump ayaa horay ugu ololeeyay in la baabi’iyo hay’adda USAID, isagoo ku eedeeyay hay’adda musuqmaasuqa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth.
Elon Musk, oo uu Trump u magacaabay in uu madax u noqdo waaxda hufnaanta dowladda, ayaa sidoo kale dhaleeceeyay USAID, isaga oo ku eedeeyay in ay qabato hawlo been abuur ah.
Si kastaba ha ahaatee, hay’adda USAID ayaa lagu qasbay inay albaabada u laabto xafiisyo badan oo ay ka shaqeynaysay, iyadoo joojisay mashaariic ku kacayay boqolaal milyan oo ay ka fulin lahayd meelo ay kamid tahay Soomaaliya.