Warbixin: Waa kuwee Wadamada Africa ee Dadkooda laga Helay Coronavirus & Tirada Dadka
Inkasta oo ay tahay Qaarad Nugul oo kaabayaasheeda Caafimaadku Burbursan yihiin hadana la iskama indho tiri karo in halista Coronavirus ay soo gaadhay qaaradan saboolka ah.
Nin u dhashay Jarmalka oo ku sugnaa Masar kaddib markii uu ku dhacay caabuqa Corona ayaa haatan u geeriyooday cudurka, waxaana la sheegay inuu yahay qofkii ugu horreeyay ee uu Cudurku ku dilo Afrika.
Ninkan oo 60 jir ah oo qaab Dalxiis ah ku yimid Masar ayaa la geeyay isbitaal ku yaal Masar, wuxuu ka cabanayay ‘qando iyo xanuun dhanka neef mareenka ah’
Bukaanka ayaa Geeriyooday markii uu diiday in lagu wareejiyo qeybta lagu karantiilo bukaanada.
Sabtidii, Wasaaradda caafimaadka Masar waxay shaaca ka qaaday ilaa 45 qof oo uu ku dhacay caabuqa Corona kuwaas oo saarnaa markab, tirada kiisaska Corona ee gudaha Masar waxay Noqoneysaa 48 qof.
Dadkii laga helay cudurka ee saarnaa markabka ayaa la karantiimiiyay, waxaana la geeyay Xarun ku taalla waqooyiga Masar.
Hadaba Wadamada AFrica ee la xaqiijiyay Waa sidan Hoose ku Qoran
Masar- 48
Algeria- 17
Senegal- 4
Koonfur Afrika- 3
Morocco- 2
Cameroon- 2
Tunisia- 2
Togo- 1
Nigeria- 1