Dadweynaha Wajeer Oo Loo Fasaxay Cunista Hilibka’

Wareegto kasoo baxday maamulka wajeer ayaa lagu sheegay in xayiraddii lagu soo rogay dadweynaha oo ku addaanayd ka ganacsiga iyo cunidda wax soo saarka xoolaha laga qaaday.

Xayiraadda waxay mamnuucaysay in laga ganacsado hilibka iyo dhammaan wax soo saarka xoolaha. Wixii ka billaawda 7-da bishan July dadweynaha reer Wajir waxay si rasmi ah uga ganacsan karaan dhammaan wax soo saarka xoolaha. Dadweynaha waxaa loo soo jeediyay tallaabooyin dhowr ah oo ay kamid yihiin.

Inta aanan la gowricin xoolaha waa in la eego caafimaadka nafka Nadaafadda in la dhowro iyo qodobo kale. Horraantii bishii June ayaa dadweynaha reer Wajeer laga mamnuucay wax soo saarka xoolaha oo ay kamid ahayd cunnida iyo ka ganacsiga hilibka kaddib markii cudurka Riftvalley uu ka dilaacay halkaasi. Waxaana la xiray kawannada sii loo xakameeyo faafidda cudurka Rift valley

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker