Sheekh Dirir oo Khudbad Kaga Hadlay Qaababka Kala Duwan ee loo Sameeyo Musuqmaasuqa iyo Sida Looga Tawbad Keeni Karo Xatooyada Xoolaha Ummadda
Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaalida, ayaa la wadaagay bulshada sida ay xaaran u tahay in lagu xad-gudbo, sifo gaar ah oo xatooyo ahna loogu qaato xoolaha danta guud ah ee ka wada dhexeeya ummadda.
Sheekh Dirir oo khudbad ka jeediyey Masjidka Rusheeye ee Caasimadda Hargeysa maalintii Jimcaha ee toddobaadkan, waxa uu si guud ugaga hadlay boobka lagu hayo hantida danta guud ah, isagoo soo bandhigay qaababka kala duwan ee loogu tagri-falo hantida dadku wada leeyihiin iyo sida ay shareecada islaamku u xaaraantimaysay in si gaar ah loogu xad-gudbo xoolaha dadweynaha ka dhexeeya.
“Walaalayaal, waxaynu khudbadeennan kaga hadli doonaa, iskuna wacyigelin doonaa Insha Allaah inay xaaraan tahay in lagu xad-gudbo xoolaha ka dhexeeya ummadda oo aanay Xukuumadna ku xad-gudbi karin, dadweynuhuna aanay ku xad-gudbi karin, waana arrin casrigan (xiligan) aynu joogno u baahan wacyigelin weyn, haddii la eego miyiga iyo haddii la eego magaaladaba, haddii la eego madaxda iyo haddii la eego raciyaddaba (shicibka). Waxa had iyo jeer ummadda ka dhexeeya ee loo yaqaan hantida dadweynaha ama loo yaqaan khayraadka iyo hantida uu llaahay ku galladay ummadda ee ka wada dhexeeya dadka casrigan aynu joogno meel xun ayaa lala marayaa, sidaa darteed way mudan tahay in aynu iskala taliyo oo inta ay goori goor tahay la sameeyo wacyigelin iyo nasteexo oo wixii ay diinteennu ka tidhi axkaam ahaan iyo fiqi ahaanba oo ah halka uu qaannuunka sharciga ah ka taagan yahay, sida uu u qabo iyo waxa uu islaamku ka yidhiba in aynu sheegno,” ayuu yidhi Sheekh Dirir.
“Waxa aynu ku soo koobsan doonaa lix qodob oo arrintan la xidhiidha Insha Allaah;
1. Waxa ay shareecadu ka qabto in cid gaar ah isticmaasho wax ummadda ka dhexeeya oo maalkooda ah.
2. Hababka loogu xad-gudbaa waa noocyadee
3. Hantida la wada leeyahay in aynu tusaalayaal ka bixinno
4. Asbaabaha ama sababaha keeni kara in lagu xad-gudbo xoolaha ummadda ka dhexeeya
5. Maxaa innagala gudban in aynu wada ilaalino xoolaha aynu wada leennahay
6. Qofka ku dhagarooba ee qaatay ama ay gacantu ay kaga dhacday xoolaha ummaddu habka uu uga towbad keenayo
“qodobka ugu horeeya ee ah shareecadu maxay ka qabtaa qofka xoolaha ummadda ku xad-gudbay, haddii aynu ka hadalno Ilaahay (SWT) waxa uu qur’aanka kariimka ah ku tilmaamay oo aayadda 161-aad ee suuratul Al-imran qofka wax ka qaata xoolaha ummadda ka dhexeeya, waxaanna qofkaas magaciisa la yidhaahdaa ‘QAAL’ oo waa magac gaar ah oo ay tuugadu leedahay, tuugada noocaas ahna waxa la yidhaahdaa ‘QULUUL’ oo eray-bixintaas ayuu qur’aanku siiyey, ciqaabta uu leeyahayna Ilaahay ayaa ka waramay.