Hawlgalka Israel ee Magaalada Jenin oo galay maalintii 10aad

Hawlgalka Israel ka waddo Magaalada Jenin ee Daanta Galbeed ee la haysto ayaa maanta galay maalintii 10aad, iyadoona hawlgalkan laga dareemay dhulka ka baxsan Jenin.

Ciidamada Israel ayaa tan iyo 21-kii bishan kooxaha iska caabinta kula dagaalamaya xerada qaxootiga Jenin, halkaas oo si weyn ay u go’doomiyeen.

Militariga Israel oo hawlgalkan ugu magac-daray (Hawlgalka Darbiga Birta) ayaa waxay sheegeen in xeradaasi lagaga sifeynayo kooxaha hubeysan.

Kumanaan ka tirsan Ciidamada Israel ayaa ku sugan gudaha iyo hareeraha xeradan, oo ku taala dhul fidsan oo luuqyo ciriiri ah. Cagaf-cagafyada ay wataan ayay ku burburinayaan guryaha qaar iyo waddooyinka.

Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa Arbacadii sheegay hadal ay dadka qaarkii ku kadsoomaan, kaas oo ahaa in ciidamadu ay ku sii sugnaan doonaan xerada qaxootiga Jenin, isla-markaana aysan ku noqon doonin sidii hore.

“Xeradu kuma noqon doonto sidii ay ahayd, xitaa marka uu dhammaado hawlgalka. Ciidamada Israel ayaa sii joogi doona, si ay u hubiyaan in argagixisadu aysan ku soo laaban.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaan sheegin muddada uu socon doono hawlgalkan, mana soo hadal qaadin masiirka kumanaanka qof ee Falastiiniyiinta ah ee guryahooda laga barakaciyay.

Wasiir Katz ayaa Maamulka Falastiiniyiinta ugu yeeray inay joojiyaan, waxa uu ku sheegay maalgelinta dilka dadka Yahuudda ah.

Wasiirku ma faah faahin waxa uu hadalkaasi uga la jeedo, waxaase loo fasirtay farriin ay Israel ku banneysanayso qorshaheeda ku aaddan dhul ballaarsi cusub, oo haatan la sheegayo in ay ka sameynayso Daanta Galbeed. Wasiirka ayaa hadalkan ku sheegay muuqaal laga soo duubay, isagoo ciidamada ku booqanaya Jenin.

Qaramada Midoobey ayaa ka digtay xaaladda sii xumaaneysa ee ka jirta dhulka la haysto, si aanay u sii hurin xiisadda muddada dheer ka jirtay Bariga Dhexe.

Hawlgalkan ayaa saamayn ku yeeshay magaalooyinka kale ee Daanta Galbeed ee Israel xoogga ku haysato, iyadoona ay ciidamadeedu xanibayaan isu socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalooyinka.

Ciidamada lagu soo daadiyay waddooyinka iyo isgoysyada magaalooyinka ayaa qabqabanaya dadka socotada ah, mana la garanayo halka ay la aadayaan.

Taliska Militariga Israel ayaan wax war ah ka soo saarin qabqabashadan cusub, waana xilli ay xabsiyadooda ka sii deynayaan maxaabiis Falastiiniyiin ah, laguna sii deynayo heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiista ay is dhaafsanayaan iyaga iyo Xamaas.

Ciidamada Israel ayaa hawlgalka Jenin bilaabay laba cisho uun ka dib, markii ay xabad joojin ka dhaqangashay Marinka Gaza. Hawlgalkan ayaana arkaysaa in uu ka baxsan yahay magaaladaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker