Taliyihii Hawl Galinta Ciidanka Booliska Somaliland Oo Xilkii Laga Qaadey Iyo Sarkaal Lagu Badalay.
Hargaysa-(OWN)-Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iiman ayaa xilkii ka qaadey taliyihii hawl galinta ciidanka Booliska Cabdiqani Ciise Maygaag ( Ganay ), oo xilkan loo magacaabey Bilo ka hor Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee dhacday 13.11.2017

Taliye Fadal ayaa xilkan u magacaabey Masuul hore xilkan u hayey kaas oo ah Maxamuud Ducaale isla markaana ahaa masuulkii ka horeeyey taliyahan maanta xilka laga qaadey.