Tobaneeyo qof oo ku dhintay isbuurasho ka dhacday goob ay ka socotay kulan diimeed

Ugu yaraan lab aiyo toban qof ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday waqooyiga dalka Hindiya, halkaas oo ay ka socotay kulan diimeed aad u ballaaran.

Ilaa hadda ma jiraan warar rasmi ah oo ku saabsan tirade dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay kulankaas, oo ah mid laga dabaal dego dalka Hindiya.

Dhacdadan ayaa dhacday kadib markii ay is jiireen dad isugu tegay webiga ay barakeystaan ee Ganges, si ay ugu qubeystaan.

Marka ay kasoo baxaan biyaha, qaar ayaa gacmaha kusoo qaata carrada midabka qalinka leh iyagoo marsanaya jirka.

Raysal wasaare Narendra Modi ayaa tacsi u diray dadkii ehelkooda ku waayay isbuurashadaas.

Dadka Hinduuga ayaa aaminsan in caado-diimeedkan ay ka dhaqi doonto dembiyada ayna naftoodana nadiifin doonto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker