Dhiig sheeybaadh lagu sameeyay oo markii ugu horreysay bini’aadan lagu shubay

Cilmi-baarayaal u dhashay dalka Britain ayaa sheegay in dhiigga lagu sameeyay shaybaarka lagu shubay bini’aadam, taasoo ahayd tijaabadii ugu horreysay ee nooceeda ah ee laga sameeyo adduunka.

Qadar yar – oo u dhiganta laba qaaddo – ayaa la tijaabiyay si loo ogaado sida ay uga shaqeeyo jirka.

Inta badan dhiig shubista waxay had iyo jeer ku xirnaan doontaa deeq bixiyayaasha caadiga ah oo laguma tiirsanaan doono dhiigga sheybaarka lagu sameeyay.

Laakiin hadafka ugu dambeeya waa in la soo saaro noocyada dhiigga ee muhiimka ah, kuwaas oo ay adag tahay in la helo.

Noocyada dhiigani waxay lama huraan u yihiin dadka ku tiirsan dhiig shubista joogtada ah, xaaladaha sida sickle cell aneamia.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker