Jilaaga caanka ah ee Bollywood oo middi lagu weeraray
Jilaaga caanka ah ee Bollywood-ka Saif Ali Khan, ayaa loola cararay cisbitaal kadib markii middi lagu soo weeraray gurigiisauu isagoo xiligaas gurigiisa jooga oo ku yaala Mumbai.
Atooraha ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo dhowr ah oo la gaarsiiyay qeybo kamid ah jirkiisa.
Weerarka ayaa dhacay aroorti hore ee Khamiista maanta ah, wuxuuna ka dhacay xaafad ku taala magaalada Mumbai, halkaas oo Khan uu kula noolaa qoyskiisa.
Booliska magaaladaas ayaa BBC-da qeybta Hindiya u sheegay in jilaaga la dhaawacay kadib markii uu muran iyo gacan qaad dhex maray isaga iyo ninka weerarka soo qaaday oo aan la aqoonsan, kaas oo guriga soo weeraray xili saq dhexe ah
Qoyska Saif Khan weli arrintan uguma hadlin goob fagaare ah, balse koox qoyska u qaabilsan arrimaha bulshada, ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay kiis “isku day xatooyo” ah, iyagoo faahfaahin dheeraad ah aanan bixin.
Khan ayaa la geeyay cisbitaalka Lilavati, halkaas oo u uku marayo qaliinno.
Niraj Uttamani, oo ah madaxa hawlgalka isbitaalka ayaa BBC Marathi u sheegay in Khan ay lix qeybood oo kamid ah jirkiisu soo gaareen dhaawacyada middida, kuwaas oo labo ka mid ah ay yihiin kuwo daran.
Booliska ayaa bilaabay baadhitaan la xirriirta dhacdadan.