Hepatitis part 2: Yaa khatar gu jira in uu qaado Cagaarshowga.
Fayraska cagaarshowga A (Hepatitis A) waxuu ku faafaa dhaqan xumada ka timaada raga isu taga (khaniisyada), cudurka beerka ee raaga; isticmaalka maandooriyaha laga qaato xididada (IV); dadka qaba xanuunka loo yaqaano hemophilia oo ah xanuun genetik ahaan qofka ugu dhaca ama dhaxal ku yimaada oo ku badan raga waayo waxaa uu la socdaa chromasomka X kaasoo ay raga leeyihiin Hal XY laakiin dumarka waxay leeyihiin labo XX chromasom taasoo ay side noqon karaan inkastoo marmar ay qaado hemophilia haweeneyda, taasoo keenta in beerka oo ah xubinka sameeya xinjirta dhiiga (clotting factors) ay awoodi waayo sameyntiisa, waana ilaa 3 nooc hemophilia A, hemophilia B iyo nooca sadexaad ee la yiraahdo waa nooc teel ttel ah (sporadic), dadka shaqaalaha caafimaadka ee ka shaqeeya meelaha uu ka dilaacay cudurkan iyo ugu dambeyn shaqaalaha daryeela xanaaneeya ama daaweeya xayawaanka ayaa halis ugu jira in ay qaadaan cudurkaan.
Waxaa sidoo kale keena dhareerka qofka qaba oo aad qaadato, sida shuminta oo aad ku xeel dheeraato. Laakiin noocan waa kan ugu fudud ee ay dadku ka kabsadaan oo kuma raago bukaanka.
Talaal ayaa lagula taliyaa dadka waaweyn ee u safraya meelaha qaar dunida ee looga shaki qabo in cudurkan uu ku badan yahay,
Talaalka.
Ma ogtahay akhristow habka uu talaalku u shaqeeyo waa in jirkaaga lagu duro fayras ama bakteeriyo la dilay ama la daciifiyay (waa qeyb yar oo ka mid ah) si uu jirkaagu u soo saaro maadooyin kaa difaaca cudurkaas oo loo yaqaano afka ingriiska (antibodies), taas macnaheedu waa in jirkaaga difaaciisa la diyaariyo si uu uga hortago fayras qaas ah, sida kan hepatitiska, dabeysha, teetanada IWM.
Talaalku wuxuu wax ka taraa feyras loo maleynayo in uu kuugu soo socda, laakiin hadii feyrasku uu jirkaaga ku horumaray (devoloped) ka hor talaalka, talaalku waxba kama taro faraska firfircoon ee jika ku jira.
Waxaa laga yaabaa in dadka qaar ay talaalka kedib dareemaan calaamado elergy sida finan maqaarka jirka ka soo baxa, neefta oo dhibta, barar wajiga ah, bushimaha, carabka, ama hunguriga. Hadii aad waxyaabahan isku aragto la xiriir shaqaalaha caafimaadka sida dhakhtarka ama pharmacist.
Hepatis B
Calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah daal, lallabbo, matag, kaadida, saxarada fudud (light stool) . waxaa lagu ogaan karaa jiritaanka cudurka baaritaanka dhiiga. Waxaa cudurkan hepatis B lagu daaweeyaa daawooyinka fayraska ka hortaga sida hepatitis B immunoglobulin (HBIG).
Cagaarshowga B oo mararka qaar noqda mid daba-dheeraada waxaa lagu daaweyn karaa daawooyin kaladuwan. Shaqaalaha caafimaadka hadii si lama-filaan ah (accident) oo uu sidaas ku qaado iyo shakhsiyaadka xidhiidh galmo la sameeya bukaanka cagaarshowga nooca B waxa la siiyaa hepatitis B immunoglobulin (HBIG) iyo tallaalka cagaarshowga B labadaba si ay u helaan difaac degdeg ah iyo mid fogba. Infekshanka HBV waxaa looga hortagi karaa tallaalka cagaarshowga B, iyo iyadoo laga fogaado howlaha u horseedi kara qaadista fayraska.
Hepitiska C
Waxaa lagu qiyaasaa in uu hayo qiyaastii 160 milyan qof dunida guud ahaan. Infekshanka Hepatitis C waxaa keeni kara xiriir galmo, laakiin halista in uu sidan ku faafo way yar tahay. Waxaase ugu daran ragga dhexdooda galmo la sameeya rag kale. Dhaqankan waxaa sidoo kale ku faafa infekshanka loo yaqaano HIV.
Infekshanka hepatitis C badanaa uma gudbo caruurka ay dhasho hooyo qabta cudurka , marka laga reebo xaalado naadir ah dhowr boqolkiiba ah. Shaqaalaha ka shaqeeya cisbitaalada lagu daaweeyo dadka qaba nooca hepatitis C sidaas khatar ugu ma jiraan in ay ka qaadaan bukaanka marka la bar bar dhigo kan hepatitis B oo la arko shaqaale ka qaada bukaanka.
Infekshanka HCV ee ka dhex dhaca isticmaaleyaasha daroogada waxaa lagu xaddidi karaa iyadoo aan la wadaagin irbadaha. Tuubooyinka sanka looga qaato maandooriyeyaasha (Sniffing) waa in sidoo kale aan la wadaagin.
Infekshinka dhiigga qaba cudurka waa in la baaraa inta aan cid kale lagu shubin si looga hortago iis qaadsiin. Weli wax talaal looma hayo cagaashowga nooca C laakiin cilmibaaris ayaa socota ay suura gal tahay in lagu guuleysto.
Waxaase jira hada daawooyin aad u wanaagsan oo loo yaqaano antiviral drugs, kuwaasoo ay ku bogsadaan dadka xanuunkan la il daran 90 – 100% oo runtii ah guul weyn. Ujeedada ka dambeysa daaweeynta waa in la daaweeyo infakshanka si loo yareeyo qatarta beerka cirrhosis ama kansarka beerka. Waxaa lagu ogaada xanuunkan baaris lagu sameeyo beerka, HCV –RNA, hadii la arko antibodies uu jirku sameeyay, waxaa la sameeyaa hubin kale oo lagu cadeynayo baarintaanka. Intaas kedib waxaa bukaanka loo diraa qeybta qaabilsan daaweynta xanuunka si daaweyn loogu bilaabo. Ogow akhristoow waa muhiim in cida lagu arko hepatitis C si dhaqso ah loogu wargeliyo heyadaha caafimaadka inta aysan xaaladu ku xumaan bukaanka.
Cirrhosis: Waa xanuun ama cudur beerka ku dhaca oo ah in nabaro ay ka muuqdaan beerka kuwaasoo aan laga bogsan karin (chronic). Waxaa sababa cabida khamriga iyo fayraska cagaarshowga B (HBV) iyo cagaarshowga C (HCV). Calaamadaha ka muuqda qofka uu haleelo cudurka cirrhosis-ka ayaa waxaa ka mid ah maqaarka oo midab hurdi (cagaarshow) ah ka muuqdo, cuncun, iyo daal. Hadii looga shakiyo qof in uu hayo cudurkan waxaa lagu ogaan karaa in laga qaado dhiig ama qeyb yar laga jaro beerka (biobsy) si loo baaro unugyada beerka. Dhibaatooyinka uu keeno xanuunkan ‘cirrhosis’ waxaa ka mid ah jahwareerka maskaxda, kooma, dareero ku soo urura uurkujirta (ascites), dhiigbax gudaha ah, iyo kelyaha oo xumaada. Daaweynta waxaa loogu talagalay inay xadiddo wixii waxyeelo ah ee ku soo kordha beerka iyo ka hortagga dhibaatooyinka. Dadka qaar waxaa iman karta in ay u baahdaan in la bedelo beerkooda (transplantation) waa xalka ugu dambeeya si loo badbaadiyo shaqda muhiimka ah ee beerka noolaha.
Waxaan hubaa in intaan uu ka sii dheeraan karo maqaalkan oo loo sii baahan karo faahfaahin dheeri ah, waxaanse isku dayay in aan si kooban u soo bandhigo waxyaabaha muhiim ka ah si ay dadka luqada soomaaliga ah ku hadla uga faa iidaysan karaan wax ka ogaanshaha noocyada waxyaabaha ku saabsan cudurkan.
Waad mahadsantihiin.
Waa walaakiin Abdirahman Ahmed Mohamed (xoogsade)
Pharmacy and science.
aziizxg@hotmail.com