Waa sidee xaaladda caafimaad ee rai’sul wasaaraha israa’iil Benjamin Netanyahu ?
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in rai’sul wasaare Benjamin Netanyahu uu maanta ka soo baxay Isbitaalka Hadassah ee magaalada Quddus, kaddib markii uu halkaasi ku sugnaa muddo afar maalmood ah. Mr Netanyahu ayaa sida la sheegay lagu sameeyay qalliin.
“Waxaan hadda ka baxay Isbitaalka Hadassah Ein Kerem,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Reuters.
Wakaalada wararka ee Reuters oo soo xiganaysa Xafiiskiisa ayaa sheegay in Netanyahu, oo 75 jir ah, ay xaaladiisu wanaagsan tahay, isla markaana uu miyir qabo ka dib markii la soo gabagabeeyey qaliinka qanjirka ‘prostate-ka.