Ingiriiska Oo Haweenka Somali Ah Kala Noqonaysa Liisanka Baabuur Waddista, Kadib Shilal Badan Oo Ay Sababeen Dumarka Soomaaliyeed.

Dawladda Ingiriiska, ayaa tiro badan oo Haweenka Soomaalida kala noqotay Liisanka Baabuur waddista, kadib markii Sidday Sheegtay Boqortooyadda Ingiriiska (United kingdom) ay shilal badan sababeen haween badan oo Soomaali ahi.
Amarkan oo kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka Iyo Socdaalka ee Boqortooyadda Ingiriiska ayaa lagaga qaaday Liisanka tobankii Haweenka Soomaalida ka mid ah shan ka mid ah.
Xukuumadda UK, ayaa qorshahan ay dib ugala noqonayso Liisanka Baabuur waddista Haweenka Soomaalida ku sababaysay inay Sannaddihii u dambeeyey galeen shilal badan dumar Soomaaliyeed oo Baabuur ku waddan jiray guddaha Boqortooyadda Ingiriiska ee (UK). Siddaas Awgeedna ay Dawladda qaadatay kala noqoshadda Liisanka Baabuur waddista Haweenka Soomaalida.
Dhanka kale Xukuumadda Boqortooyadda UK, ayaa Sidoo kale ku sababaysay waxyaabaha dumarka Soomaaliyeed u galaan shilalka badan ay tahay Wakhtiyadda ay Baabuurta waddaan ay dhegaha gashaddaan xadhkaha telefoonka oo ay ku hadlaan.
Qaadashadda liisanka Baabuur waddista Iyo barashadda kaxaynta gaadhiga ee guddaha dalka Ingiriiska, ayaa ku baxdaa dhaqaale badan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker