Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland oo kulan la qaatay danjiraha dawlada Taiwan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan bakaal ayaa kulan la qaatay danjiraha dawlada Taiwan u joogga Jamhuuriyadda Somaliland, kulanka ayaa ahaa mid isbarasho iyo sidii loo sii joogtayn lahaa xidhiidhka labada wadan iyo sidii loo sii horumarin lahaa mashaariicda horumarineed ee dawladda Taiwan ay ka wado Somaliland.

Kulanka waxa wasiirka ku weheliyey, Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland ujoogga wadanka Taiwan, Ambassador Maxamed Xaaji iyo diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Taiwan ay ku leedahay JSL.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker