Ra’iisal wasaarihii 2aad uu ka geeriyooday sanad gudihii Dalka Ivory Coast

Ra’iisal wasaaraha Ivory Coast, Hamed Bakayoko, ayaa ku geeriyooday cisbitaal ku yaal dalka Jarmalka, sida ay shaacisay xukuumadda waddankaas.

Bakayoko, oo laga daweynayay xanuunka Kansarka ayaa geeriyooday Arbacadii, maalmo uun kadib markii uu 56 jirsaday.

Waxaa ra’iisal wasaare loo magacaabay bishii July ee sanadkii hore, kadib markii geeri degdeg ah ay ku timid ninkii jagadaas hayay, Amadou Gon Coulibaly.

Madaxweynaha Ivory Coast, Alassane Ouattara, ayaa ku tilmaamay Bakayoko “nin qaran, oo tusaale wanaagsan u ahaa dhalinyarada, isla markaana lahaa daacadnimo aad u saraysa”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker