Koonfurta Lubnaan oo ay ka socdaan dagaallo xooggan

Koonfurta Lubnaan oo ay ka socdaan dagaallo xooggan

Wakaaladda Wararka ee dowladda Lubnaan (NNA) ayaa sheegtay in ciidanka Isra’iil ay ” qarxiyeen guryo” ku yaalla tuulada koonfurta Lubnaan ee Aita al-Shaab.

NNA waxay sidoo kale sheegtay in “diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil ay weerareen” aagga u dhexeeya Haboush iyo Arabsalim, oo waqooyi ka sii xigta xadka Isra’iil.

Ciidanka Difaaca Israel (IDF) waxay sheegeen inay wadaan howlgallo “kooban oo lagu bartilmaameedsanaya” koonfurta Lubnaan.

Waxay sheegeen in hawlgalkan ay adeegsanayaan “diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo wata gantaalo qarxaya”, kuwaas oo ay sheegeen inay ku dhufteen xarumaha taliska Xisbullah.

Dhanka kale, ciidamada Israa’iil ayaa digniino u diray dadka degan 22 goobood oo ka tirsan Lubnaan, waxayna sheegeen inay beegsan doonaan, oo ay ku jiraan 12 goobood oo ku yaala caasimadda Beyruut.

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa beenisay in dadkii laga daadgureeyay isbitaalka dawladda ee Baalbek, waxa ayna xaqiijisay in “Isbitaalku si caadi ah u shaqeeynayo ka dib markii bukaannada loo wareejiyey qolal ka ammaan badan qolalka ku aadan dhanka dhismaha laanta Al-Qard Al-Xasan ee ku dheggan isbitaalka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale warbaahinta ugu baaqday inaysan gudbin wararka been abuurka ah ee kordhin kara argagaxa iyo jaahwareerka.

Ciidamada Israa’iil ayaa weerarro is dabajoog ah oo kor u dhaafaya toban waxa ay ku qaadeen xaafadda koonfureed Beyruut, iyadoona qaarkood lala beegsaday agagaarka deegaanka Al-Mreijeh iyo waddadii hore ee garoonka diyaaradaha, sida ay sheegtay wakaaladda Lubnaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker