Madaxda sirdoonka Israel iyo Mareykanka ayaa Qatar booqanaya si xabadda Gaza loo joojiyo

Dadaaladii ugu dambeeyay diblomaasiyadeed ee heshiiska xabad joojinta loogu raadinayo Gaza ayey madaxda sirdoonka Israel iyo Mareykanka ku tagayaan Dooxa si ay ula kaulmaan madaxda sare ee Qatar iyo Masar.

Wadaxaajoodyada xabadda lagu joojinayo iyo siideynta dadka laga haysto Israel ayaa Qatar maanta dib uga bilaabanaya.

Aqalka cad waxay sheegeen in weli farqi uu jiro balse rajada ah in ugu dambeyn heshiis la gaaro ay tahay wax la rajeynayo.

Waxay u muuqataa in Xamaas ay isaga hareen go’aankooda ahaa in Israel xaqiijiso xabad joojin rasmi ah ka hor inta wadahadalku bilaaban balse waxay ka digeen weerarka isreal ee xoogeystay in uu dhaawacyo heshiiska.

Dadka Gaza waxay sheegeen in ciidamada Israel ay xoojiyeen weerarada waqooyiga iyo koonfurta Gaza.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker