Dagaalka Suuriya: Kumannaan qoxooti Suuriyaan ah ayaa guriyahoodi ku noqonaya

Kumannaan qoxooti Suuriyaan ah oo horay uga soo qaxay dagaallada Koonfurta-Galbeed ee dalka ayaa billaabay iney guriyahoodi dib ugu noqdaan.

Suuriyaan dib ugu laabanayo guriyahooda

Sargaal ka tirsan qaramada midoobay ayaa sheegay kumananaan ka mid ah dadki qoxootiga ahaa ee ku sugnaa xadka Urdun iney guriyahoodi dib ugu noqonayaan.

Aders Pedersen oo ah isku duwaha arrimaha gargaarka baniaadanimada ee qaramada midoobay u fadhiya dalkaasi Urdun ayaa wuxuu sheegay 150 ilaa 200 qof iney haatan xadka ay ku sugan yihiin.

Qaramada Midoobay ayaa waxay sheegtay Dagaalladi toddobaadyadi ugu dambeeyey ka soo cusboonaaday Koonfurta-Galbeed ee dalka Suuriya ay soo barakiciyeen dad ka badan 320,000 oo qof.

Qaar badan oo dadkaasi ka mid ah ayaa billaabay iney guriyahoodi ku laabtan kaddib marki ay fallaagada iyo ciidamada dowladda ay heshiis gaareen.

Gobollada Derca iyo Quneitra ayaa waxay ahaayeen kuwa deggan mudda hal sana ah kaddib marki ay Mareykanka iyo Urdun heshiis la galeen mucaradka iyo Ruushka oo xulafa la ah madaxweyne Bashar al-Assad.

Si kastaba ha ahaatee, Mr Asad ayaa bishi April dagaal xooggan ku qaaday deegaannada bari ee Ghouta ee ka baxsan caasimidda Dimishiq oo ay fallaagada gacanta ku haysay sidi uu deegaannadaasi uga fara maroojin lahaa..

Qariidad

Baarayaasha dambiyada dagaalka ee qaramada midoobay ayaa Suuriya iyo Ruushka ku eedeeyey iney duqeymo ku beegsadaan goobaha adeegga caafimaadka lagu bixiyo, taasoo mamnuuc ku ah shuruucda caalamiga ah in goobahaasi la duqeyo iyo in dhibaato loo geysto shaqaalaha caafimaadka ee ka shaqeeya sida ka dhacday Bariga Ghouta.

Dimishiq iyo Mosccow waxay marar badan ku gacan seyreen eeddaasi loo soo jeediyey.

BBC NEWS

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker