Ruwanda oo taageertay murashaxnimada Raila Odinga ee Midowga Africa

Madaxweyne dalka Rwanda Paul Kagame ayaa sheegay in uu taageerayo siyaasiga Kenyaanka ah ee Raila Odinga oo ka mid ah labada musharrax ee ku dhawaaqay in ay u tartamayaan xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

Doorashada guddoomiyaha cusub ee guddiga Midowga Afrika oo beddelaya madaxa hadda, siyaasiga dalka Chad Moussa Faki Mahamat ayaa loo qorsheeyay bisha Febraayo 2025.

Siyaasiga 78-jirka ah ee hogaamiya isbaheysiga mucaaradka Kenya Azimio, ayaa bishii February ku dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan xilka ugu sareeya Midowga Afrika.

8-dii Maarso, Kagame ayaa ku qaabilay xafiiskiisa si ay uga wada hadlaan arrimaha gobolka iyo danaha qaaradda.

“Waan ixtiraamayaa Raila Odinga; waan garanayaa halgankiisa,” Kagame ayaa sidaasi ku sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta Kenya ee NTV

Fowsiya yuusuf Xaaji Aaden oo ka socoto Soomaaliya ayaa iyaduna u sharraxan kursigan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker