Siyaasi Cabdilaahi Daamur Oo u Jawaabay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid..

Cabdullaahi Axmed Maxamed “Daamur” oo kamid ah mas’uuliyiinta ururka dhawaan lagu dhawaaqay ee Rajo ee jamhuuriyadda   Somaliland, ayaa sheegay in doodda xisbiga mucaaradka Somaliland ee Ucid ay tahay mid jaban, oo aan ku qotomin sharci.

Cabdullaahi oo hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamey in go’aanka lagu furayo xisbiyada ay xukuntey maxkamadda dastuuriga, iyadoo xisbiyada ay soo dhoweeyeen, sida uu sheegay Cabdullaahi Daamur.

Wuxuu carabka ku dhuftey Cabdullaahi in guddiga uu magacaabey Madaxweyne Muuse Biixi la horgeynayo baarlamaanka Somaliland, taasna ay qeyb ka tahay hannaanka lagu sharciyeynayo.

Cabdullaahi Daamur, ayaa sheegay in ururada mucaaradku ay fal celin la gudbooneyd maalintii maxkamaddu ay ku dhawaaqdey go’aanka furista xisbiyada cusub ee Somaliland.

Ururada mucaaradka ee Somaliland, ayaa ku doodaya in haatan xoogga la saaro doorashada madaxtinimada iyo hannaankii loo qaban lahaa, oo ay tahay doorashada kadib, wixii kale ee la qabanayo in la qabto.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker