Nin Somali Oo Lagu Helay Kufsi Oo Dowladda Ingiriiska Usoo Tarxiileyso Soomaaliya

Dowladda Ingiriiska aya dooneeysa in ay dalkeeda kasoo masaafuriso nin Somali ah oo lagu helay in fal dambiyeed dalkaasi ka geystay.

 

Sanadkii lasoo dhaafay ayey Dowladda Ingiriiska  isku dayday in Soomaaliya usoo dhoofiyaan Yacquub Axmed oo 30 sano jir ah, hase ahaatee rakaabkii diyaaradda ayaa diiday in ninkaas  lasoo masaafuriyo.

 

Damiin uu muran ka dhashay ayaa lagu sii daayay Bishii March ee sanadkaan, balse dib ayaa loo soo xidhay waxaana hadda socda qorshihii Soomaaliya loogu soo masaafurin lahaa, sida uu shaaca ka qaaday wargeeyska Daily mail.

 

Wargeeysku waxaa uu sheegay in Yacquub Axmed lagu hayo Labo xarumood oo kala ah, xarunta lagu hayo muhaajiriinta dalka laga saarayo Colnbrook oo u dhow garoonka Diyaaradaha ee Heathrow iyo xarunta Yarl’s Wood.

 

Sanadkii 2007 dii ayaa Yacquub Axmed iyo Sedex kale oo rag waxaa lagu helay in ay kufsadeen Gabar 16 sano jir ah, waxaana lagu xukumay Sagaal sano oo xabsi ah.

 

Sanado ka hor ayuu dhameystay xukunkiisii hadana Dowladda Ingriisku waxay Yacquub usoo celineysaa Soomaaliya oo uu kasoo jeedo.

Yacquub Axmed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker