Erdogan oo war kaduwan kan Ruushka ka soo saaray heshiiska dhoofinta Qamadiga
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in “saaxiibkiisa” madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin “uu doonayo inuu sii wado marinkan bini’aadantinimo in kasta oo horay hadal Moscow uga soo baxay saaka”.
Wuxuu hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Istanbul ka hor inta uusan booqan Sacuudiga.
Moscow ayaa horay u sheegtay in dalkeeda uu si rasmi ah ugu wargaliyay Turkiga, Ukraine iyo Qaramada Midoobay in waddankeedu aanu kordhin doonin heshiiska dhoofinta Qamadiga.
Erdogan ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Turkiga uu maanta talefoon kula hadli doono dhiggiisa Ruushka.
Erdogan laftiisa ayaa Putin la hadli doona marka uu Turkiga ku soo laabto.