Norway: Nin Qoys Soomaali Ah Dhibaateeyey Oo Lagu Xukumay Xabsi iyo Magdhow
Maxkamadda Østre innlandet ee dalkan Norway ayaa 120 maalmood oo xabsi ah ku xukuntay odey u dhashay dalka Norway oo lagu helay danbi inuu u hanjabay, dhibaatana u geystay qoys soomaali ah oo ay daris ku ahaayeen magaalada Elverum. Odeygan ayaa sidoo kale lagu xukumay inuu bixiyo lacag magdhow ah oo gaadheyso 40.000 kr.
Labo wiil oo uu odeygan la xukumay dhalay oo ku eedeysnaa inay danbiga qeyb ka ahaayeen ayaa lagu xukumay 30 iyo 60 maalmood oo xabsi uu shuruud ku xidhan tahay ah, Taas oo ka dhigan in xabsi aanay gali doonin, hadii sadexda sano oo soo socdo aanay galin wax danbi ah oo cusub.
Odeyga la xukumay ayaa racfaan ka qaatay go´aanka maxkamada, wuxuuna isagu aaminsan yahay in kiiska kala dhaxeeyay qoyska soomaalida ahaa uu ahaa mid ku saleysan khilaaf darisnimo, oo aan wax xidhiidh ah la laheyn cunsurinimo iyo faquuqis.