Xiddigii kubadda Cagta Diego MARADONA Oo Maanta Geeriyooday

Xiddigii kubadda cagta ee dalka Argentina Diego Maradona ayaa maanta geeriyooday kadib markii wadanaha uu istaagay, sida uu sheegay qareenkiisa.

Maradona oo 60 jir ahaa, ayaa dhowaanahan xaaladdiisa caafimaad ay liidatay, ayada oo qalliin looga sameeyey maskaxda, dhowr toddobaad ka hor.

 

Maradona ayaa Argentina kula guuleystay koobka kubadda cagta adduunka ee 1986-kii, markaasi oo cayaartii ugu dambeysay ay kaga adkaadeen Germany.

Waxyar ka hor inta aan lagu dhowaaqin dhimashiisa, ayaa warbaahinta Argentina waxay saaka werisay in Maradona ay asiibtay xaalad halis ah, ayada oo dhaqaatiirta loogu yeeray gurigiisa oo ku yaalla waqooyiga magaalada Buenos Aires.

 

Madaxweynaha Argentina Alberto Fernandez ayaa durba ku dhowaaqay saddex maalmood oo baroordiiq qaran ah, oo loo sameynayo Maradona.

 

https://www.youtube.com/watch?v=gOk6EykOeq8

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker