War deg deg ah: Budhcad Badeed Somali ah oo Afduubtay markab kusoo socday Dekedda Muqdisho

Muqdisho (OWN) – Budhcad badeedda Soomaaliya ayaa maanta afduubatay markab ganacsi oo marayey xeebaha Soomaaliya, kaasi oo sitay calanka dalka Panama sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters.

 

 

Markabka la afduubtay ayaa wuxuu kasoo baxay Dekadda ku Taalla  dalka Imaaraadka Carabta, wuxuuna kusoo socday Dekadda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya sida uu sheegay Muse Saalax oo ah gudoomiyaha Gardafu ee gobolka waqooyi bari ee Puntland.

 

 

Weerarka ayaa waxaa gaystay lix nin oo  hubeysan. Ilaa hadda si rasmi ah looma ogo tirada shaqaalaha saarnaa markabkaas gacanta u galay burcad badeeda Soomaalida.

 

 

Afduubka ay geysteen burcad badeeda ayaa kusoo aadayo xilli Sacuudiga ay Faransiiska kala wareegtay hogaanka taliska ciidamo isku-dhaf ah oo badda Soomaaliya uga howlgala la dagaalanka budhcad-badeeda.

Taliskan loo loo yaqaan CTF-150 ayaa sameeya dabagal, kormeer iyo howlgalo caadi, wuxuuna haystaa 14 illaa 15 maraakiib sida ku cad xogta iyo Istiraatiijida howlgalkaan 12-ka sano ku sugan Xeebaha Soomaaliya.

 

 

Maadaama dowlado kala duwan ay qeyb ka yihiin isbedelada dhanka hogaanka ayaa dhaca afar illaa lixdii bilood hal mar; joogitaankooda ug badan waa Gacanka Cadan, halkaasoo dhaqdhaqaaq ay ka sameeyaan si ay ug hortagaan falalka lidiga ku ah maraakiibta caalamiga ah.

 

 

Bishii August sanadkii 2008-dii ayaa la sameeyay howlgalkan ka gedaal markii ay aad u soo kordheen weerarada iyo qafaalashada maraakiibta oo ay gaysanayeen burcad badeed Soomaaliyeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker