Madaxweynaha Somaliland oo Bogaadiyey Madaxweynaha Turkiga ee Dib Loo Doortay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta dhambaal hambalyo ah u diray madaxweynaha Turkiga, Racep Tayyip Erdogan oo dib loogu doortay xilka, kadib markii uu doorashadii guud ee waddankaas ka qabsoontay toddobaadkan si aqlabiyad ah ugu guulaystay.

Siday ku warantay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, Waxa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu sidaas ku sheegay farriin uu maanta ku daabacay bartiisa Twitterka.
Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu intaas ku daray in Madaxweynaha Turkigu uu maamulkiisa suubban guul iyo barwaaqo ugu horseeday dalkiisa iyo dadkiisa.