Madaxweyne Muuse Biixi Oo Tacsi U Diraya Shacbiga Somaliland Geerida Ku Timi Xildhibaan Jaamac Riyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, golaha guurtida, golaha wakiilada, bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Jaamac Faarax Axmed (Jaamac Riyo) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 29/07/2018, magaalada Hargeysa.

 

madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey xubin firfircoon oo ka baxday golaha guurtida Somaliland iyo bahda Fanka iyo suugaanta oo uu marxuumku ka tirsanaa intaanu ka mid noqon xubnaha golaha guurtida Somaliland oo uu hada ka mid ahaa.

Waxaanu marxuumku kaalin muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii beelaha Somaliland ku wada dhaqan, isagoo suugaan iyo wacyigelin kaga qayb-qaatay wada noolaanshaha shacbiga Somaliland, waxaanu marxuumku caan ka ahaa dhammaan dhulka Somalidu degto.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golaha guurtida, golaha wakiilada, bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo..

 

Aamiin Aamiin Aamiin

 

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker