Facebook Oo Sameysanaya Adeeg La Mid Ah Clubhouse

Shirkadda Facebook ayaa ku dhawaaqday in bilaha soo socda ay soo saarayso adeegyo maqal ah oo la mid ah sida kuwa barnaamijka ‘Clubhouse’.

Shirkadda Facebook waxay sidoo kale billaabi doontaa barnaamij cusub oo dadka isticmaalaya ay codad isu duubi karaan.

Macaamiisha isticmaalaysa adeegyadan cusub waxay awood u yeelan doonaan in ay lacag ka sameeyaan ama ka macaashaan dhaqaale ahaan adeeggani maqalka ahi, inkastoo aanay  caddeyn in arrintani ay u suurtageli doonto dadka oo dhan ama loogu tala-galay oo kaliya shakhsiyaadka ay ku taxan yihiin dadka aadka u badan.

 

Madaxa shirkadda Facebook, Mark Zuckerberg, ayaa warkan shaaciyay shalay oo Isniin ahayd,  waxaana Zuckerberg iyo shirkaddiisa Facebook ay guddiga ganacsiga ee heer federaalka (FTC) ee dalkaasi Mareykanka waxa uu ku eedeyay hab dhaqan ka soo horjeedka tartanka xorta ahi.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker