SULDAAN KA XANAAQAYA S/LAAN HALLA WADA YEESHO
Suldaan ka xanaaqaya S/LAAN
Halla wada yeesho.
Keene iyo kordhiye
Keene. Waaryaa kordhiye saaxiib waxaan daawaday
SULDAAN ka xanaaqaya S/LAAN halla wada yeesho
Saaxiib bal ii sheeg waxa xumaana eek u jirta ereygaa
Quruxda badan ee nabadda xanbaarsan.
Kordhiye. Saaxiib waan kula daawaday SULDAANKAA
Haddaan kuu jawaabo saaxiib waa laba mid
Ta hore waa inaanu dalka waxa ka socda war uhayn
Ee uu iska dhex joogo taasina aanay fariidnimo ahayn
Ta labaad waa in ay beeshiisu tahay ta sed bursatay
Oo uu isleeyahay difaac.
Labadabana hoos buu ugu dhacayaa waxaana qurux badan
Inta la kaxeeyo in xafiisyada dawlada cishaba mid la soo mariyo
Bal cidda ka shaqaysa markaa hadduu suldaan qaran yahay
Wuxuu odhan qudhiisu halla wada yeesho haddaanu ahaynna
Tiisii horuu ku adkaysan.
Guuleed liibaan snm1710@livecom