Ciidanka Booliska Somaliland oo Shaaciyey Shil Baabuur oo 4 Qof ku Geeriyoodeen

Taliska ciidammada Booliska Somaliland ayaa ka hadlay shil gaadhi oo maanta ka dhacay inta u dhexaysa Koodayare iyo degmada Dacar Budhuq.

Gaadhiga shilkan galay oo  ay lahayd shirkadda socdaaladda ee Bixin waxa  ku dhintay 4 qof, kuwaas oo laba kamid ahi ay u dhasheen dalka Bangaladheesh, halka ay labada kalena u dhasheen dalkan Somaliland, waxa sidoo kale shilkaasi ku dhaawacmay 10 qof , kuwaas oo 4 kamid ahi ay yihiin reer Somaliland, halka 6-da kalena ay u dhasheen waddanka Bangaladheesh.

Taliyaha ciidammada Nabadgelyada  Waddooyinka Somaliland, ahna Afhayeenka ciidammada Booliska Gaashaanle Sare  Faysal Xiis Cilmi oo shilkan ka hadlay caawa ayaa sheegay in shilkaasi uu sabab u ahaa Darawalka gaadhiga waday oo Taleefan ku hadlayey xiligii uu gaadhigaasi waday.

Markii shilkaasi dhacay waxa goobta gaadhey ciidammada Nabadgelyada  Waddooyinka Somaliland oo u gurmaday dadkii shilkaasi ku waxyeeloobay.

Taliyaha ciidammada Nabadgelyada  Wadooyinka Somaliland waxa uu dadka ka codsaday in ciidammada loo soo sheego darawalka isaga oo gaadhi wada taleefan ku hadla, isaga oo eheladii ay dadkaasi ka geeriyoodeen  ka tacsiyadeeyey, halka uu dadkii dhaawacmayna Ilaahay uga baryey in uu caafimaad siiyo.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker