” Xadhigaygu wuxuu ahaa mid siyaasadeed,waxaana ka dambeeyay Xisbiga Kulmiye ” Qaasim Aadan Saleebaan

Musharrax Qaasim Aadan Saleebaan oo Xisbiga WADDANI uga sharraxan Golaha Wakiillada gobolka Sool ayaa faahfaahin ka bixiyay Xadhigga xukumaddu kula kacday waxaanu tilmaamay in ujeedada laga lahaa ahayd in deegaanka uu metelayo codkiisa lagu dhiso musharraxiinta Kulmiye.
“Xadhigaygu wuxuu ahaa mid siyaasadeed, waxaana ka dambeeyay Xisbiga Kulmiye oo isku dayay in uu qaato codka deegaankayga. Waxa ay madaxda Kulmiye ee gobolka Sool u yimaaddeen bulshada deegaankayga iyaga oo u sheegay in aanu Kulmiye siinayn musharrax una baahan yihiin in ay codkooda ku dhisaan (Musharraxiinta) Kulmiye.
Beeshaydu arrintaa way ka dhiidhiday waxaanay Musharrax ka noqotay Xisbiga Waddani markaana waxaa bilaamatay tallaabo kasta oo lagu wiiqayo musharraxnimadayda”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker