Dowladda Maraykanka oo cunaqabateyn ku soo rogtay taliyihii hore ee Booliiska Uganda

Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay Taliyihii Hore Booliska dalka Uganda, Kale Kayihura sababo la xidhiidha  ku xadgudubka xuquuqda bani’aadamka oo uu galay intii uu xilka hayey.

Xeer Madaxweyne oo tirsigiisu yahay 13818 soona baxay 13kii September 2019 ayay dowladda Mareykanka ugu aqoonsatay Taliye hore Kayihura in uu galay dembiyo ka baxsan banii’aadanimada oo kala ah jirdil iyo xadhig sharci darro ah oo uu u gaystay dad rayid ah isagoo adeegsaday Ciidanka Gaarka ee Flying Squad oo ka tirsan Booliska Uganda.

 

Gen Kayihura oo taliye ka ahaa Booliiska Uganda mudadii u dhexaysay (2005 – 2018) ayaa sidoo kale waxa cunaqabateyn la saaray xubno ka tirsan qoyskiisa oo ay ku jiraan xaaskiisa Angela Umurisa Gabuka iyo carruur uu dhalay.

 

Image result for Kale Kayihura

Kale Kayihura

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker