Markab Isra’iili Ah Oo Weerar Loogu Gaystay Xeebta Imaaraadka Carabta.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Lubnaan iyo Israa’iil, Markab laga leeyahay Isra’iil ayaa lagu weeraray gacanka Beershiya gaar ahaan xeebta Imaaraadka Carabta.

Warbaahinta dalka Lubnaan   ayaa sheegtay in markabka oo lagu magacaabo “Hypern” oo ka diwaan gashan Shirkadda “PCC” ee laga leeyahay Isra’iil, lagu bartilmaameedsaday meel u dhow dakadda Fujairah ee dalka Imaaraadka Carabta.

Warbaahin ku hadasho afka Israa’iiliyiinta ayaa sheegtay in weerarka ay fuliyeen ciidamada Iiraan, kuwaasoo Markabkan la beegsaday gantaal laga soo tuuray  markab dagaal ama diyaarad Drone ah, iyaga oo intaa ku daray in weerarka uu dhacay shalay.

Milkiilaha markabka la weeraray oo lagu magacaabo Rami Ogner, ayaa wargeyska Yedioth Ahronoth usheegay in markabka markii la weerarayay aanuu  joogin gudaha dekedda Fujairah ee Imaaraadka, laakiin uu ku sugnaa agagaarka dekedda.

Weerarka Markabkan ayaa noqonaya kii saddexaad oo laga leeyahay Israa’iill oo lala beegsado weerar muddo ku siman bil iyo bar.

 

https://www.youtube.com/watch?v=5Pcq1eRG09k

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker